Marka hore waa in aad xadidataa sababta kugu riixeysa in aad sigaar cabista ka tagto
In eey jirto sabab cad oo kugu riixeysa in aad ka tagto cabista sigaarka caada kasta oo xun waxeey kugu kaal meeneysaa in aad si fudud uga harto oo aad ku qorowdo
Ka fogoow waxyaabaha kugu dhiiri gelinaya cabista sigaarta
Waxyaabaha kugu dhiiri gelinaya cabista sikaarka waxey noqon karaan Dadka kula cabi jiray ama qof kasta oo balwadaas leh, goobihii aad tagi jirtay markii aad laheyd caadadaas.
In aad cabto biyo wadan waxeey kaa caawineysaa in aad iska dhaafto sigaarka sigoo kale hadii aad dhex gasho bulsho aan sigaar cabin sida in aad fadiisato goobaha caamka ah oo eey isugu yimaadaan dadka aan sigaarka cabin ama in aad masjidka isaga nagaato waxeey kaa caawineysaa in aad iska joojiso sigaarka.
Waa in aad booqodaa qabiir ama lataliye caafimaad
Waxaa adag in aad ka harto cabista sigaarka adigoo helin cid kaa caawisa wixii aad balwadaas ku wadalan haleyd waayo balwada hadii aan wax lagu badalan waxaa laga yaabaa in eey soo laabato sanado kadib xitaa.
By Mohamed Hassan jimale